habaab
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate) (-byo, m.dh)H. ah: dabinkabood; lumid. ld habow¹ (2).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habaab ↴
oodjiid [m.l]
1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.
oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.
cadceedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
dhabaabacayn [m.f.dh]
eeg dhabaabacee. ld dhabaabacays, dhabaabaco.
dhabaabacays [m.l]
ld dhabaabacayn.
dhabaabacee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ceeyay, -caysay)
Hab dhabaabaco ah u ordid (geel).
dhabaabaco [m.dh]
Hab geelu u ordo oo afarta addinba mar qaado. ld dhabaabacayn.
dhallaanhabaabis [m.l]
Wirwir; dhalanteed, dhaandabaggaalla.
dhaqanhabaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid dhaqanhabow ku ridid.
dhaqanhabaabid [m.f.dh]
eeg dhaqanhabow². ld dhaqanhabow¹ (2).