habbi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Ku h.: Wax culus oo ballaaran ku daboolid. 2. Wax culus ku dhufasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habbi ↴
buunshabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Badar si buunshaha looga saaro tumid.
buunshabbixin [m.f.dh]
eeg buunshabbixi. ld buunshabbixis.
buunshabbixis [m.l]
ld buunshabbixin.
dhabbicid [m.f.dh]
eeg dhabbac². ld dhabbac¹ (2).
dhabbis [m.l]
ld dhabbisid.
dhabbis [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-say, -stay)
1. Is dh.: wax hurda iska dhigid. 2. U dh.: wax u qabasho.
dhabbisid [m.f.dh]
eeg dhabbis². ld dhabbis¹.
habbin [m.f.dh]
eeg habbi. ld habbis.
habbis [m.l]
ld habbin.
hab [m.l] (-bab, m.l)
1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. ld habid.
hab [m.l] (-bab, m.l)
(nax.) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan.
hab [m.dh]
Habsiin.
hab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn.