habboon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Wax hagaagsan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku fiican ahaansho. ld habban.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habboon

daabax [m.l]
1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax. daabaxid, dabaax, dabax, dibaax, dubaax

faambi [m.l]
1. Si aan habboonayn oo wax loo cuno. 2. Qasidda wax nidaamsan la isku qaso. ld faambiyid. faambiyid

faambi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Si aan habboonayn wax u cunid. 2. Wax nidaamsan isku qasid.

kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù

rabbaysan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho.

rabbaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Ubad si habboon u barbaaray ahaansho. 2. Xaya-waan rabbaayad ahaansho.

rabbayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho.

rabbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid.

xadgudub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dbay, -dubtay; -dbi)
Ku x.: cid wax aan ku habboonayn ku samayn.

abbaar [m.dh]
Hadal, arrin iwm sida ku habboon ee looga baahanyahay. Tus. “Hadalka abbaartiisu sidaa ma ahayn.”

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg