habro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-raday, -ratay)Cid si wanaagsan oo aan hagrasho lahayn wax ugu qabasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habro ↴
dhabro [m.dh]
Cudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela.
habrasho [m.f.dh]
eeg habro.
habroor [m.l]
ld habroorid.
habroor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ilmo macluul ah abaydiminta aan ku habaysnayn darteed ahaansho.
habroorid [m.f.dh]
eeg habroor².
hab [m.l] (-bab, m.l)
1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. ld habid.
hab [m.l] (-bab, m.l)
(nax.) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan.
hab [m.dh]
Habsiin.
hab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn.