hadal
(m.l) (-llo, m.dh)

Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.

hadal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dlay, -dashay; -dli)

Ereyo macno leh sheegid.

Hadal badan bar waa been*

Hadal badan bar waa been


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Hadal badan bar waa been*

Hadal badan bar waa been


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Hadal badan bar waa been*

Hadal badan bar waa been


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hadal

maadee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
(riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.

haatif [m.l]
Wax hadalkooda la maqlo oo aan muuqan. ld haatuf. haatuf

jaasuus [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.

maakhad [m.dh]
1. Awood, karti. 2. Hadal been ah.

maangal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.

naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.

nab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.

oodan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dmay, -dantay; -dmi)
1. Wax xirmay noqosho (albaab, xero iwm). 2. Arrin, hadal iwm wax naan meel haysan noqosho.

oomi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.

oraah [m.dh] (-ho, m.l)
1. hadal xigmad xambaarsan oo munaasabad ama waqti gaar ah loo adeegsado. 2. Ereyo la isu geeyey oo macna la fahmo sameeya. 3. Hadal. ld oroh.

had [m.dh]
1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.

had [m.dh] (-do, m.l)
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.

had [Xiriiriye | Conjunction]
eeg haddii.

had [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg