haf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

1. Wax, wax kale ku qaldid. 2. Wax halmaamid.

haf
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)

Cod lagu muujiyo hafidda.

haf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

Cunto boobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haf ↴

birdhaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.

cid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iwm oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado.

dabaal [m.dh]
Dhaqdhaqaaq habaysan oo ay nafleydu sameyso markay biyo ku dhex jiraan si aayan ugu hafan. ld dabbaal².

dadliq [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: meel biyo badan oo dadka aan dabbaasha aqoon ku haftaan. ld dadlaq.

dhaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Isku dh.: wax, wax kale oo aan noociisa ahayn ku darid. 2. Isku dh.: wax, wax kale oo aan noociisa ahayn ku biirid.

dhafaag [m.l]
Budo hoore lagu qasay oo aan jilicsanayn. ld dhafaaq.

dhafaaq [m.l]
ld dhafaag.

dhafan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fmay, -fantay; -fmi)
Wax la dhafay noqosho.

dhafan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
Wax la dhafay ahaansho.

dhafandhaaf [m.l]
1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo.

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg