hamsa
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

(nax.) Shibbane dhawaaqyada hadalka ka mid ah; waa aamus yar, wuxuuna dhashaa kolka xargaha codku si degdeg ah u xirmaan oo xiisadda dabaysha u joojiyaan, degdegna u furmaan; astaan-tiisu waa ('). ld hamse, hamso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hamsa

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

fahamsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax gartay ahaansho. ld fahnsan.

fahamsanaan [m.f.dh]
eeg fahamsan. ld faham- sanaansho, fahansanaan, fahan- sanaansho.

fahamsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld fahamsanaan.

hamse [m.l]
ld hamsa.

hamso [m.dh]
ld hamsa.

ham [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
H. dheh/ h. siin: cod lagu muujiyo cantuugo aad u weyn samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg