hanuun
(m.l)

Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey.

hanuun
(Falkaab | Adverb)

Aad iyo aad, si weyn. Tus. “Beerka hanuun buu i xanuunayaa”.

hanuun
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-nay, -ntay)

Qof xume u samayn jirey ka waantoobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hanuun

wacdi [m.l]
Waano; hanuunis.

wacdi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
Waano diimeed oo xumaha laysaga reebayo samahana laysku farayo dad u jeedin; waanin; hanuunin.

hanuuni [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.

hanuunid [m.f.dh]
eeg hanuun³.

hanuunin [m.f.dh]
eeg hanuuni. ld hanuunis.

hanuunis [m.l]
ld hanuunin.

hanuuniye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof wax hanuuniya.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg