haq
(m.dh)

Harraad iyo gaajo badan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haq

unug-dareen-dhaqaaq [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.

unug-maskaxeedka dhaqaaqa [m.l]
(c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.

urur shaqaale [m.l] (-rro ..., m.dh)
(taar.) Urur matala xoogsatada, rabo in uu wax ka baddelo xaaladda nolosha, mushaarada iyo lacagta.

bashaqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(bot.) Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.

caashaq [m.l]
1. ld cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl. 2. ld caashaqid.

caashaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Qof mid kale oo cayntiisa ka duwan kalgacal qoto dheer u hayn. 2. Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel wejigooda ku aaddin.

caashaqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
Ku c.: markab, baabuur, xolo iwm meel lagu caashaqay ahaansho.

caashaqasho [m.f.dh]
eeg caashaqo.

caashaqid [m.f.dh]
eeg caashaq². ld caashaq¹ (2).

caashaqnaan [m.f.dh]
caashaqan. ld cashaqnaansho.

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg