hari
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Wax meel hoos ah gayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hari ↴
idlaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -aatay, -aadeen)
Wax aan wax ka harin ahaansho.
saandambee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysey)
1. Tallaabo gaabin. 2. Ka s.: cid lala socday in yar dib uga harid.
saandambeedi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Dib u harid.
wadaal [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
1. W. ah: la socoshada neef labi neef dheddig oo orgeysan raaco ama ka hari waayo. 2. Xoolo tirsan oo gooni loo wado.
budow [m.l]
Ka hariwaayidda laga hariwaayo xaajo la bartay oo la qaayibay. ld budoobid.
budow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Ka hariwaayid wax la bartay oo la qaayibay.
cashari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley tahliil ku firdhin.
casharin [m.f.dh]
eeg cashari. ld casharis.
casharis [m.l]
ld casharin.
dhammow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maaday, -maatay)
1. Wax tiradoodu dhantahay noqosho. 2. Wax aan wax ka harin noqosho.
ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta
ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.