haweeney
(m.dh)Qof dumar ah oo la guursaday.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haweeney ↴
yabadhaalo [m.dh]
Carruurta ay dhasho haweeney minyaro ah.
eeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!
gaal [m.dh]
1. Haweeney aan muslin ahayn. 2. Haweeney aan raxmad lahayn; gaalad. 3. Hab; dabeecad.
naayaa [u.j]
Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.
saaquunnimo [m.dh]
1. Haweeney aan caqli iyo waxtar lahayn ahaansho. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
ummulraac [m.l]
Geerida ku timaada haweeney ummulaysa ama ummushay.
xaas [m.l] (-sas, m.l)
1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.
yariis [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Y. ah: haweeney bar yar.
aayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Afo waxa ay u tahay carruurta ninkeedu ka dhalay naag kale. 2. Haweeney qof abtigii ama adeerkii qabo. 3. Qof waxa ay u tahay hooyadiis walaasheed; habaryar. ld aaye.
abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).
haween [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.