hun
(m.l)

Maro aad duug u ah.

hun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-umay, -untay; -umi)

Maro duug ah tolid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hun

caadaqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.

waddo-hunguri [m.l]
ld waddo-caanood.

xabag [m.dh]
1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.

yaw [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.

yibir [m.dh]
Haweenay aad u hunguri xun.

alfiyoole [m.l] (-layaalyo, m.l/dh)
(c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.

booc [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Hunguri. 2. Cune. 3. In yar oo tubaako shiidan ah.

calool [m.dh] (-lo, m.l)
1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.

carrabmaris [m.l]
Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.

cidhib [m.l] (-byo, m.dh)
(c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg