idiin
(m.dh)

Harag jilicsan oo si fiican loo megdiyay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh idiin

furaad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Idiin si gaar ah loo qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro.

jidiin [m.l] (-iimo, m.dh)
1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.

jidiindhuumid [m.f.dh]
eeg jidiindhuun².

jidiindhuun [m.l]
Afka iyo dhuunta oo oon dartiis la qallalaan.

jidiindhuun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uunay, -uuntay)
Harraad awgii afka iyo dhuunta ka qallalid.

jidiinqallal [m.l]
1. Hunguriga oo oon dartii engega. 2. ld jidiinqallalid.

jidiinqallal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Hunguriga oon dartiis engegid.

jidiinqallalid [m.f.dh]
eeg jidiinqallal². ld jidiinqallal¹ (2).

koore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg