idil
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dlaa, -dlayd)

Wax aan wax ka maqneyn ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh idil

idlaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg idil. ld idlaansho, idlaasho. idlaansho, idlaasho

maan [m.dh]
1. Maalinta la joogo. 2. M.ta: beriga. 3. M.ta layl: maalinta oo idil. 4. M.tii saddexaad: maalintii saddexaad. 5. M.tii hore: maalmihii la soo dhaafay. ld maantay.

abyoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka idil ee togan iyo kuwa taban; 0, 1, 2, 3, 4, ... Abyooneyaasha togan ee 1, 2, 3, 4,... waxa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo ama kuwa wax lagu tirsado.

barabbax [m.l]
(fiis.) 1. (dareere) Xaddiga dareeraha ah ee barabaxay marka walax idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere. 2. (Socod) Isbedelka meeleed. Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu falayo.

jeermidile [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(daaw.) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iwm.

looxul-maxfuud [m.l]
Diiwaan muslimiintu ay rumaysanyihiin in lagu qoro waxa adduunka ka dhaca ama ka dhici doona oo idil. ld looxalmaxfuud.

moolikiyuul [m.l] (-llo, m.dh)
(kiim.) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.

qayb [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil.

tiro dhaban [m.dh]
(xis) Abyoone haraa la'aan u qaybsama tirada laba; ama waa tiro idil oo aan ahayn kisi. Tusaale ahaan 6, 14 ama 24 waa tirooyin dhaban ah, waayo, 2 haraa la'aan bay qaybisaa tirooyinkaasi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg