iftiin
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Kaah wax lagu arki karo. 2. Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.

iftiin
(m.l) (-nno, m.dh)

(fiis.) Sii deynta kaaha ka imanaya walax saxarradeedu nuugeen tamar, iyagoo gaadhaya xaalad kacsan, kaddibna ku noqday xaalad tamar hooseysa markii ay sii daayeen kaaha birlab-danabowga.

iftiin
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-imay, -intay; -imi)

Wax kaah yeelasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iftiin

wadaamaggoysyo [m.dh]
Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur, waxayna u dhowyihiin awrka cir; wadaamaqubo. ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.

xalliiban [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Caano ama wax la mid ah oo miir ah, aan wax kale dheehin ama tar-raxin, nadiifnimadii ka badatay. 2. Wax sida dhalada qaarkeed, araggu gudbo ama iftiinku soo dhaafo.

aas [m.l]
1. Xabaalidda meydka; ld aasid. 2. Marka aasku madoobaado: waqtiga qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo; himhiimow, cilcillow.

afariyotobnaad [m.l]
Habeenka dayaxu ugu iftiinka badanyahay oo bishu afar iyo tobanka tahay.

bashiic [m.l]
Meel xirnayd oo in yar la furo si hawo ama iftiin uga soo galo. ld bishiic.

bidhaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Wax meel fog ka muuqasho. 2. Iftiin ama dhalaal yar meel ka birbirid.

bir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax sida iftiin bilig dhihid.

cadceed [m.dh]
1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meerayaasha kale ku meeraystaan, iftiin leh; qorrax. 2. Iftiinka qoraaxda ee barqada iyo galabta.

cawar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Nafley dhaawac gaarsiin. 2. Nafley iftiin weyn, indhaha uga qabasho. ld cawir².

dab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg