igar
(m.l) (-rro, m.dh)

Neef irmaan oo aan ilmo lahayn oo la maalo (oo cucub lagu sasabo loo sameeyey). ld eger.

igar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Sac ama hal dhashay si caanihiisa loo wada helo ilmo ka gawricid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh igar

qaaligarayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaaligaree.

qaaligaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qaali ka dhigid.

qaaligaroobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaaligarow.

qaaligarow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax qaali ah noqosho.

baloolley [m.dh]
1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo.

digarrogad [m.l]
ld digarrogasho.

digarrogasho [m.f.dh]
eeg digarrogo. ld digarrogad.

digarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Xero dhiriqowday ama si kale u xumaatay, xero kale oo u dhow uga guurid; oodrogasho.

eger [m.dh]
ld igar.

gayax [m.dh]
1. Mullaax mayrax ah oo naasaha geela looga xero si aan qaanku u nuugin. 2. G. ah: hal ilmihii ka dhinteen ama laga qalay oo irmaan oo igarnimo lagu maal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg