iidaan
(m.l)

Subag, caano, maraq iwm oo cuntada yaabisnimada looga ba'sho.

iidaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay, -aantay; -aami)

Subag, caano, maraq iwm cunno yaabis ah ku darid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iidaan

yaabis [m.l]
1. Yaabis ah: aan iidaan (ama goosaar) lahayn (cunto iwm); engegan. 2. ld yaabin. engegan, yaabin

yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.

afuuf [m.l]
1. ld afuufid. 2. Soor a. ah: soor aan iidaan lahayn. 3. Xirsi yar oo ummulaha iyo carruurta loo xiro.

dhoqro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-oday, -otay)
Cunto la cunayo meel godan oo iidaanka lagu shubo u yeelid.

dufan [m.l] (-nno, m.dh)
Subag, saliid, xayr, iwm oo wax lagu iidaanto laguna subkado.

garcadde [m.l]
Bariid ama baasto aan sanuunad ama suugo lahayn oo caano ama iidaan kale lagu daray. ld gaarcadd.

iidaaman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-mnaa, -mnayd)
Wax iidaan loo yeelay ahaansho.

iidaamid [m.f.dh]
eeg iidaan².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg