iyaga
(Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent)

Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee wadarta ah (kuwa laga hadlayo ama wax laga qorayo). ld iya².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iyaga

ureed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.

uumi saarid [m.dh]
(bot.)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.

annilliida [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.

asaw [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Dhammaan dhaqdhaqaaqyada muuqan kara ee ay sameeyaan xayawaanku iyaga oo u jawaabayo degaankooda gudaha iyo dibadda.

baankariis [m.l]
(c.nafl.) Qanjidh laga helo lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyo-tobanlaha iyo beeryarada dhexdhooda. Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya marinka baankariyeed.

badweyn [m.dh] (-nno, m.dh)
(juqr.) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.

bayooloji [m.l]
Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

biyo-saar [m.l] (-ryo, m.dh)
(baay.) Habka dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.

caddallool [m.l]
Ciyaar carruureed ilmuhu qoray la tuurayo ay ku ciyaaraan habeenkii iyaga oo labo labo koox isagasoo horjeeda.

iya [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
ld iyada.

iya [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
ld iyaga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg