iyo
(Xiriiriye | Conjunction)

Eray lagu xiriiriyo magacyo ama tixo. Tus. “Hilib iyo bariis”, “Inuu yimid iyo in kale soo hubso”.

Yuug iyo Yamayuug*

 Labada qoom ee musuqmaasuqa iyo fasahaadka badan oo quraanka lagu tilmaamay iney soo bixi doonaan intaan maalinka qiyaamo la gaarin. (af-carabi: Juuj wa ma'juuj)


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Shaacis, Shaaciyoow, Shaaciye, faafin, Faafis*


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iyo

aabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.

aabi [m.l ]
Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.

aabo [m.l]
Dareen naxariis, rabitaan iyo xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.

aadaab [m.dh]
1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.

aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).

aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.

aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.

aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar

ba' [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'. baabba

ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.

i [m.dh]
(i') Xarafka sagaalaad ee alifka soomalida.

i [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaa- maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga hadlaayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg