jaan
(m.l)

Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.

jaan
(m.l)

1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.

jaan
(m.dh) (-aamo, m.l)

1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaan

jaandheer [m.dh]
Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.

jaangeri [m.l]
Kabaha laga sameeyo maqaarka geriga.

jaango'an [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'naa, -'nayd)
Ku j.: wax, wax kale la cabbir ah ahaansho.

jaango'naan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld jaango'naansho.

jaango'naansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg jaangoo. ld jaango'naan.

jaangoo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-gooyay, -gooysay)
1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.

jaangooyo [m.dh]
1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg