jaangooyo
(m.dh)

1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaangooyo

jaangoyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaangoo. ld jaangooyo (2).

basle [m.l]
1. Baadiddoon aan raad iyo baytin midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan. 2. Wax hab la'aan lagu doono oo aan jaangooyo hore loo dhigan. 3. ld basleyn.

hooyaale [m.l]
Ereyo lagu luuqeeyo ama lagu heeso, si jaangooyo looga dhigo tixaha gabayga ama heesaha. ld hoobaale, hoobale.

jaangoo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-gooyay, -gooysay)
1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg