jaantus
(m.l) (-syo, m.dh)Naqshad ama sawir lagu muujiyo fikrad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaantus ↴
jaantus Argrand [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) (Sallax murakab) Laba addimaale habdhiska kulannada kaartis ee lagu muujiyo tirooyinka murakabka ah. Tirada x + iy waxa lagu muujin karaa barta kulannadeedu yihiin (x, y).
garaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(xis.) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulann.
masawir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Aaladda wax sawirta. 2. Muuqaal ka taagan wax oo lagu daabacay warqad. loox, derbbi iwm iyada,oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale. 3. Shaxan, jaantus. ld taswiir.
masawir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Muuqaalka ka taagan wax laftiisa warqad, loox derbi, iwm ku daabicid iyada oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale. 2. Shaxan ama jaantus sawirid.