jaar
(m.l) (-rar, m.l)1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. ld yaar 1. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaar ↴
yaar [m.l]
ld jaar(2). jaar
jaaraan [m.l]
ld jiiraan.
jaariile [m.l]
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
jaariyad [m.dh] (-do, m.l)
Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
jaarnimo [m.dh]
Jaar ahaansho.
jaarri [m.l]
Muran iyo canaad isku jira.
jaarri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Muran iyo canaad isku jira muujin.
jaarrin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaarri².
deris [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-rsay, -ristay; -rsi)
1. (f.g) Wax barashadooda ka baaraan degid. 2. (f.mg) Cid jaar la noqosho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg