jab
(m.l) (-bab, m.l)

1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.

jab
(m.l) (-bab, m.l)

(daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.

jab
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jab

aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.

yabaq [m.l]
Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq. jabaq, yabaaq

yabaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Dad ama nafley meel fog ka buuqid. ld jabaq². jabaq

gaajabbeel [m.l]
Reebidda gaajo ku haysay lagu reebo cunto yar. ld qaajabbeel¹. qaajabbeel

gaajabbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Nafley baahneyd gaajo iska reebid. ld qaajabbeel². qaajabbeel

gaajabbeelid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaajabbeel². ld qaajabbeelid. gaajabbeel, qaajabbeelid

jabad [m.l] (-dyo, m.dh)
Berrin waa hore laga guurey oo ooddii raadkeedii weli yaal. ld jabo.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg