jabad
(m.l) (-dyo, m.dh)

Berrin waa hore laga guurey oo ooddii raadkeedii weli yaal. ld jabo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jabad

jabo [m.dh]
1. Xaabo amo qoryo yaryar oo qallalan. 2. Berrin waa hore laga guurey oo ooddii jabtay oo isku dhacday; jabad; degel.

maxajabad [m.dh] (-do, m.l)
Qof haween ah oo aan guriga ka bixin. ld maxajabo.

miscilil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Irridda xerada. 2. Xoolaha labada dhinac ka xiga ee ay ood-afadu korka ka qabato. 3. Ood astaan ahaan loo dhigto jabad si aan cid kale u degin. ld miscirir.

miscilil [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xero miscilil u sameyn ood astaan ahaan jabad u dhigid.

jab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.

jab [m.l] (-bab, m.l)
(daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg