jabaq
(m.l)

Shanqar yar. ld yabaq¹.

jabaq
(m.dh) (-qo, m.l)

(fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.

jabaq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bqay, -baqday)

Shanqar yar samayn. ld yabaq².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jabaq

yabaq [m.l]
Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq. jabaq, yabaaq

yabaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Dad ama nafley meel fog ka buuqid. ld jabaq². jabaq

raadka dobler [m.l] (-dadka ..., m.l)
(fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.

buuq [m.l]
(fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.

cilmi-jabaqeed [m.l]
(fiis.) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.

dayaan [m.l] (fiis.)
Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iwm.

desibel [m.l] (-llo, m.dh)
(fiis.) Halbeeg loo isticmaalo isbarbardhigga labo heer awoodeed, badanaa waxa loo adeegsadaa jabaqda ama sinyaale danabeedka. In kasta oo desibelku yahay (1/10 = 10 -1) ee halbeegga bel, haddana waxa badanaa la adeegsadaa desibel.

jab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.

jab [m.l] (-bab, m.l)
(daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg