jabin
(m.dh)

ld jebin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jabin

cajabin [m.f.dh]
eeg cajabi.

jebin [m.f.dh]
eeg jebi. ld jabin, jabis, jebis.

mabac [m.l]
Dhagax, dhadhaab iwm oo aad u adag oo qalabka qodidda iyo jabintu ayan burburin karin.

majabe [m.dh]
1. Nagaar aan qodax lahayn oo dusha xaad ku leh; wuxuu leeyahay caleemo yaryar, dhirta dawadana waa ka mid. 2. M. ah: aan jabin; aad u adag.

maskabjabin [m.dh]
ld maskarjabin.

maskarjabin [m.f.dh]
eeg maskarjabi. ld maskabjabin.

qaddarjabin [m.dh]
ld maskarjabin.

saxar-saleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxar-rada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.

jab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.

jab [m.l] (-bab, m.l)
(daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg