jacayl
(m.l)

Rabitaan weyn oo wax gaar ah loo hayo.

Jacayl naftaada kaagama horeeso*

Markaad naftaada jaclaan weeyso cid kujeclaaneeso majirto


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jacayl

caashaq [m.l]
1. ld cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl. 2. ld caashaqid.

gacal [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Jacayl cid loo hayo. 2. Saaxiibtinnimo, qaraabannimo, iwm oo cid ka dhexeysa.

heello [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nooc heesaha jacaylka ah ka mid ah oo waayadii hore la qaadi jirey.

hilow [m.l]
Dareen jacayl ku jiro oo qof ama meel loo qabo.

jan [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Wax jeclaysi jirro oo kale ah oo ku dhaca haweenka uurka leh. 2. Jacayl xad dhaaf ah.

jecayl [m.l]
ld jacayl.

jimiimic [m.l]
1. Cod geelu sameeyo marka uu diyaarka u yahay in laliso. 2. Rabitaan oo doonis jacayl ku jiro.

jimiimic [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
1. Geel jimiimic samayn. 2. Wax jacayl loo qabo samayntooda doonis.

khafiif [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. Qof maskaxda wax uga dhimman yihiin noqosho. 2. Ku kh.: wax jacayl awgii ku waalasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg