jactad
(m.l)

1. Muuqaalka uu yeesho dhar iwm oo aan si fiicanu kala fidsanayn; canbus, canyayuub. 2. Garaawshiinyo ama oggolaansho la'aan; muran foolxun.

jactad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

1. Dhar iwm si xun u laallaabmid. 2. Hadal jactad ah ku hadlid; asaraarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jactad

coorcoor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Jir nafley, jactad ku dhicid qabow ama jirro darteed.

cutad [m.l]
Harag ama saan isku jactadsan.

dhiibi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Maro, harag iwm togid si jactadku uga ba'o.

jactadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax jactaday ahaansho.

jactadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhar iwm jactad ka dhigid.

jactadid [m.f.dh]
eeg jactad².

jactadin [m.f.dh]
eeg jactadi.

jactadnaan [m.f.dh]
eeg jactadan. ld jactad-naansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg