jaf
(m.l)

1. Garaac; tumid. 2. Qolofta geedaha laga jafto (inta la gargaraaco). 3. Orod u eg wax la ganay; kuddo; fag.

jaf
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)

1. J. dheh: daf dheh; la bood; fag dheh. 2. J. ka sii: ka daf, ka dhifo.

jaf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

1. Gogol iwm boor ka duulin. 2. Geed si qolofta looga goosto garaacid. 3. Geed garaacid ama ruxid si mirihiisi ay u soo daataan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaf

faajafaajo [m.dh]
Qof ladan isaga oo aan dan lahayn tago meelo kala duwan, ama waxaan muhim ahayn lacag ku kharajgarayo.

faajafajoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Qof ladan oo waxan muhim ahayn lacag badan ku kharajgarayn, xarrago ama faakihaysi dartii.

faajafajood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg faajafaajoo. faajafaajoo

dhanjaf [m.l]
Xanuun madaxa barkiis qabta; goonjab; goonjebshe.

halaqjaflayn [m.f.dh]
eeg halaqjaflee. ld halaqjaflays.

halaqjaflays [m.l]
ld halaqjaflayn.

halaqjaflaysad [m.l]
ld halaqjaflaysasho.

halaqjaflaysasho [m.f.dh]
eeg halaqjaflayso. ld halaqjaflaysad, halaqjaflaysi.

halaqjaflaysi [m.l]
ld halaqjaflaysasho.

halaqjaflayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Saddexda goor ee wax la cuno ka hor halaqjafle cunid.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg