jafle
(m.l)

1. Xoolo lugaha dambe oo wax lagu haraatiyo, siiba lo'da la lisayo oo kirtanka badan. 2. Miraha ceerinka marka ay qallalaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jafle

halaqjafle [m.l]
Cunto yar oo saddexda goor ee wax la cuno maalinta, ka hor la cuno oo cuntada lagu sugo .

halaqjaflee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
Halaqjafle cunid.

haljafle [m.l]
ld haljalafle.

jaflayn [m.f.dh]
eeg jaflee.

jaflee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Xoolo jafle samayn.

jaf [m.l]
1. Garaac; tumid. 2. Qolofta geedaha laga jafto (inta la gargaraaco). 3. Orod u eg wax la ganay; kuddo; fag.

jaf [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
1. J. dheh: daf dheh; la bood; fag dheh. 2. J. ka sii: ka daf, ka dhifo.

jaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Gogol iwm boor ka duulin. 2. Geed si qolofta looga goosto garaacid. 3. Geed garaacid ama ruxid si mirihiisi ay u soo daataan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg