jahad
(m.l)

ld jahasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jahad

abbaarqaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
Ka a.: meel jahadeeda meel kale uga tilmaan qaadasho.

ambi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid jahada toosan ka lumin. 2. Nafley meel fog oo aanay si sahlan uga soo noqon karin geyn.

dabbaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Wax jahaday u socdeen mid ka duwan u weecin; soo celin (xoolo).

dadab [m.l] (-byo, m.dh)
1. ld dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. ld dadbid.

dadab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dbay, -dabtay; -dbi)
Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.

jahasho [m.f.dh]
eeg jaho. ld jahad, jihad, jihashi.

majiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid.

qiblo [m.dh]
1. Jahada kabcada oo ay muslimiintu u jeestaan marka ay dukanayaan. 2. (-ooyin, m.l) Jaho. ld qiblad.

qorraxdhac [m.l]
1. Waqtiga ay qorraxda godkeeda gasho; maqrib. 2. Jahada ay qorraxdu u dhacdo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg