jaho
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. ld jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac.

jaho
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-haday, -hatay)

1. ld jiho 2: wax uun ku dhaqaaqid. 2. Xanuun la ledi waayid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaho

laangooyo [m.dh]
1. ld laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.

xag [m.l]
Dhan; jaho; dhinac; gees.

ambo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Meel, jaho.

babac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bcay, -bacday; -bci)
1. (f.g) Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.: wax jaho uu ku toosnaa ka weecin.

barjaho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Afarta jaho oo asaasiga ah middood.

beynajaho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Afarta jaho middood.

callaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Wax meel ka laalaadin. 2. Wax jaho ku aaddin.

circaddaa [m.l]
Roob badan oo muddo dheer da'a; kolkuu roobku da'ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo.

dayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wareer awgiis, waqti iyo jaho garan waayid.

diirad [m.dh] (-do, m.l)
Aalad lagu kala garto jahooyinka, leh qaab sacadeed oo lagu hoggaamiyo maraakiibta.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg