jiifaa
(m.l) (-aayo, m.dh)

Dugaagga yaryar nooc ka mid ah, dhurwaaga ka yar oo ariga laaya; guduudane.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiifaa

barnoqod [m.l]
(xis.) Barta ugu sarreysa ama ugu hooseysa ee ku taalla xood, taas oo ah, bar halka uu kulanka iska beddelo min kordhid ilaa dhimid, ama min dhinmid ilaa kordhid, iyo weliba taabtuhuna waa uu jiifaa. Haddii isbeddelku yahay kordhid ilaa dhinmid waa barta ugu sarreysa.

waran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax in la qorraxeeyo loo kala bixiyey ahaansho. 2. Badeeco iwm wax dhulka lagu fidiyey ahaansho. 3. Wax la baabi'iyey ahaansho. 4. Meel wax biyo jiifaan ahaansho.

jiif [m.l]
1. Dhinaca oo dhulka la dhigo si loo nasto; Hurdo; seexad. 2. Dhacdiid ama dhabbac ama dhinac loo yaal. 3. ld jiifid.

jiif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Si loo nasto dhinaca dhulka dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg