jiil
(m.l)1. Qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaado. 2. (-lal, m.l) Qoryo fiiqfiiqan, si farsamo ah loo habeeyey oo nirgaha afka looga xiro. 3. Dalab. 4. (-lal, m.l) Fac.
jiil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iilay, -iishay)Nirgo qoryo fiiqfiiqan oo si farsamo ah loo habeeyey si aysan wax u nuugin gafuurka uga xirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiil ↴
naab [m.dh]
(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha
bishimaha qofka marka uu harraado ama uu
bukoodo; jiil. jiil
cambaar [m.l]
1. Roob da'a xilli jiilaal. 2. Xiddig magaciis.
cirir [m.l]
1. Godka laba iyo labaatanaad ee dayaxu fariisto. 2. Xiddig dayaxa la fariista xilliga jiilaalka. 3. Qof adadag oo ayaan badan oo dhashay xilliga xiddiggaas.
ciyi [m.l]
1. Waqti jiilaal ah, reero shiraystay, hilibka ay siiyaan cid aan wax qalin. 2. Xarar lagu dhigo rarada ama weel.
curdaalo [m.l]
Roobka jiilaalka dhammaadkiisa da'a; garabcas. ld cordaalo.
dhacar [m.dh]
1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.
diif [m.dh]
Tamardarro, jiil, daal iwm oo jirka ka muuqda.
fac [m.l] (-cac, m.l)
1. Da'. 2. F. ah: dad isku da' ah oo isku waqti nool, jiil. 3. ld faacad.
gaasabbax [m.l]
1. Kabbixidda nafley ka samatabbaxdo dhibaato jiilaal. 2. ld gaasabbixid.
gaasabbax [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-xay, -xday, -bixi)
Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin.