jil
(m.l)

1. Daliigo suun ah oo dhigaha lagu maro. 2. Qayb, miilo. 3. Lo'bulsho ah. 4. Jurmi nafley. 5. ld jilid.

jil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ilay, -ishay)

1. Wadaaddo ama ardo quraan, muddo quudin. 2. Muuqaal iyo fal ahaan wax isaga dhigid. 3. (riw.) Cid dhaajin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jil

aag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka laga qoro”.

baabbul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro. shaash

haadahaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.

maadeys [m.l]
1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh. 2. ld maadeyn. maadeyn

xaad [m.dh]
Timo jilicsan oo oogada dadka ka soo baxa.

haaneed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. ld haneedi. ld haaneedi. haneedi, haaneedi

haaneedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.

idan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin. dabqaad, idin

idiin [m.dh]
Harag jilicsan oo si fiican loo megdiyay.

kaaliyam [m.l]
(kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed:39.09.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg