jilacsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

ld jilicsan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jilacsan

habuuq [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-qyo, m.dh)
Sabuulka marka iniinihiisu jilacsanyihiin laakiin uu cunnimo galo; iniino meseggo ama galley oo curdun ah. ld haquuq¹.

jilacsanaan [m.dh]
ld jilicsanaan.

jilacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld jilicsanaan.

jilicsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax aan adkayn ahaansho. 2. Nafley wax awood-diisa iyo xooggiisu isdhintay ahaansho. ld jilacsan.

jilicsanaan [m.f.dh]
eeg jilicsan. ld jilacsanaan, jilacsanaansho, jilicsanaan-sho.

kareeb [m.l]
Dhar jilacsan, midab leh oo qurxan oo haweenku qaataan. ld kirib.

nugaal [m.dh]
Dhul ciid jilacsan oo boor leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg