joogso
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-saday, -satay)

1. Socod joojin. 2. Fadhi ka istaagid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joogso

dhaqaaqjoogso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Dhaqaaqjoogle samayn.

horjoogso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid wax ka hor istaagid.

isugujoogso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Si dhagso leh nafley u gawracid.

jilbajoogso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Qof jilba ku istaagid.

joogjoogso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Socod hadba meel istaagid. 2. Ku j.: qof dhulka jiifa oo muruq hayo si turaal ah ugu istaagid.

joogsasho [m.f.dh]
eeg joogso. ld joogsad, joogsi.

sarajoogso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Fadhi ka istaagid.

joog [m.l]
1. Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin. 2. (-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo. 3. ld jeeg (1). Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto.

joog [m.l]
(juqr.) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.

joog [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg