kaadidhiig
(m.l)

Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.

kaadidhiig
(m.l)

(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaadidhiig

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg