kaadimareen
(m.l) (-no, m.dh)

Dhuunta kaadidu marto.

kaadimareen
(m.l) (-no, m.dh)

(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaadimareen

kaadi [m.dh]
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.

kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.

dibin-siilka [m.dh] (-bno ..., m.l)
(c.nafl.) Xubinta galmada ee dumarka qaybteeda dibadeysa. Laba joog oo faruuryo ah oo kala ah dibnaha waaweyn iyo dibnaha yaryar waxay daboolaan daloolka siilka, daloolka kaadimareenka kintirkana horay bay u leexiyan.

holac-kaadimareen [m.l] (-cyo .., m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).

qaybta kaadimareenka [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta oo dhan ee isugu jirta dhuumo iyo faro oo kaadida ka soo qaada keliya dibeddana u saara. Waxay ka koobantahay: a) kaadi mareennada kaadihaysta ka sarreeya; b) kaadi haysta; c) kaadi mareenka hoose.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg