kaadish
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dshay, -dshiday; -dshi)

Kaadiyid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaadish

kaadishiil [m.l]
Cudur keenna kaadida oo qofka gubta.

kaadishir [m.l]
1. Fal iyo asmo la akhiriyo si qof kaadidu ugu dhegto. 2. ld kaadishirid.

kaadishir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Fal iyo asmo cid ku akhriyid si kaadidu u qabato.

kaadishirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg kaadishir². ld kaadishir¹ (2).

kaadi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.

kaadi [m.dh]
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.

kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.

kaadi [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
Kaadi sii deyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg