kaaga
(mu.lh.l)

(kuwaaga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “kaaga ayaa ka fiican”.

kaaga
(dk.lh.l) (-kaaga)

Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Qalinkaaga baa cusub”. ld kaa³.

Jacayl naftaada kaagama horeeso*

Markaad naftaada jaclaan weeyso cid kujeclaaneeso majirto


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaaga

kaa [dk.lh.l] (-kaa)
ld kaaga(2). kaaga

raalliggelin [m.dh]
Ficil aad qofka ku siinaysid, waxa uu rabo si uusan wax kuu yeelin ama kaaga xumaan.

kuwaaga [mu.lh.w]
eeg kaaga 1 / taada¹.

kaa [mu.ti.l] (kuwaas, w)
ld kaas(1)

kaa [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.

kaa [dk.lh.l] (-kaa)
ld kaaga(2).

kaa [dk.ti.l] (-kaa)
ld kaas(2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg