kaalin
(m.l) (-immo, m.dh)1. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. 2. Meelaha shidaalka laga qaato.
kaalin
(m.dh)1. Hawl guud inta qof kaga aaddan. 2. ld kaalid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaalin ↴
raabac [m.l]
Qof buuxiya kaalin cayaar turub
oo maran.
kaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg kaal³. ld kaalin² (2).
bog [m.l]
(c.nafl.) Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda. Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada: qaadashada tuurista hawada.
buuxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid.
ceelalyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Qofka ama dadka xoolaha aroor ah uga sii hora mara ceelka si uu ugu diyaariyo kaalin iyo biyo.
dac [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Biyo wasakh ah oo ku hara kaalinka ay xooluhu ka cabbaan.
degaan habboon [m.l]
(baay.) Kaalinta uu noole ka qaato deegaankiisa. D.ka h. ee noole waxa lagu qeexi karaa cuntooyinka kala duwan ee uu quuto, kuwa isaga ugaadhsada, sida uu heerkulka ugu adkaysto iwm.
door [m.l] (-rar, m.l/awdaar, m.dh)
1. Kaalinta uu ka qaato hawl hirgelinteeda. 2. Kal; d.kii hore: mar kowaad. Tus. “D.kii hore baastaa timid”. ld dawr¹, dowr¹ (2).
kaal [m.l] (-lal, m.l)
Warmaha waaweyn nooc ka mid ah.
kaal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.
kaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Nin guursadey xoolo siin. ld kaali.