kaalmo
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

Gargaar ama caawimaad cid loo fidiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaalmo

kaalmayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Wax kaalmo ka dhigasho.

taakul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Cid kaalmo siin. ld taakulee.

ururi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. ld aruuri.

waawaray [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.

baryaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
Qof sabool ah oo kaalmo raadsasho ku jiro.

birmad [m.l]
1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan. 3. ld birmasho.

caawi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay;-iyi)
Cid kaalmo ama taageero u fidin. ld cawi.

caawin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-imay/-inay, -intay; -imi/-ini)
Cid kaalmo ama taageero u fidin.

caawino [m.dh]
Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. ld caawimaad, caawimo, caawinaad, cawimaad, cawimo.

kaal [m.l] (-lal, m.l)
Warmaha waaweyn nooc ka mid ah.

kaal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.

kaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Nin guursadey xoolo siin. ld kaali.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg