kaalsiyam
(m.dh)

(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaalsiyam

kaalsiyam salfeyt [m.l]
eeg kaalsiyam.

kaalsiyam haydarogsaydh [m.l]
eeg kaal-siyam.

kaalsiyam kaarboneyt [m.l]
eeg kaalsiyam.

biro-dhuleed-alkaliin [m.l]
(kiim.) Curiyayaasha ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Inkasta oo aanay aad ugu milmin biyaha haddana waxay la sameeyaan iyo beysyo. Waxay dhamaantood ku leeyihiin laba elektaroon heertamarta ugu sarreysa. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay II. Biraha ururkani waa: biriliyam (Be), magniisiyam (Mg), kaalsiyam (Ca), istorontiyam (Sr), baariyam (Ba) iyo radiyam (Ra).

biyo-fududayn [m.dh]
(kiim.) Ka saaridda ayoonnada kaalsiyam, magniisiyam iyo feeram; iskudhis ahaan looga saaro biyaha ay ku milanyihiin; sidaa darteedna lagu yareeyo adkaanta biyaha.

dhalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.

didib [m.l]
(kiim.) Dhagax badanaaba ku jira macdanta kaarboneyt, gaar ahaanna kaarbooneytyada kaalsiyam iyo magniisiyam.

nuurad [m.dh]
(kiim.) Kaalsiyam.

quraarad [m.dh]
(kiim.) Walax adag oo ilays-gudbiye ah lagana sameeyo isku kuleylinta kaalsiyam ogsaydh (laym), soodiyam kaarbooneyt iyo ciidda (silikoon IV ogsaydh). Quraaradu waa walax wiriqlaawe ah oo aan atamyadeedu ku habeysnayn raso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg