kaarto
(m.dh) (-ooyin, m.l)(juqr.) Khariidad nooc ay doontaba ha ahaatee; amase khariidad loogu talaggalay inay caawiso badmareennada.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaarto ↴
cadaadis-ekeeye [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
isku-cadaadis [m.l]
(fiis.) Xariiq ku muujisan khariidad ama kaarto iskuna xidha baraha ama meelaha cadaadiskooda gibileed uu isku mid yahay.
isku-heerkul [m.l]
1. (fiis.) Xariiq ku muujisan khariidad; ama kaarto, iskuna xirta baraha ama meelaha heerkulkoodu isle'egyahay. 2. (fiis.) Xood ku muujisan garaaf oo u taagan qiyaaso laga cabbir qaatay heerkul madoorsoome ah (sida, xiriirka ka dhexeeya cadaadiska iyo mugga neef, marka heerkulku yahay madoorsoome).
kaartoogaraafiyada [m.dh]
(juqr.) Farshaxan-ka ama sayniska samaynta khariidadaha iyo kaartooyinka.
xanuun [m.l]
1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.
kaar [m.l]
1. Xannuun sida holaca u kulul oo nabar ama meelbugtaa yeelato. 2. Waraaq yar oo afar gees ah oo wax lagu qorto. 3. ld kaarid.
kaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Xanuun laxow badan dareemid.