kaawi
(m.l)

1. ld kaawiyad. 2. Qoray lagu calaamadeeyo meelaha shabaagta la dhigo.

kaawi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Shay adag mid ka jilicsan ku garaacid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaawi

feero [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.

kaawin [m.f.dh]
eeg kaawi².

kaawiyad [m.dh] (-do, m.)
1. Aalad dhuxul ama koronto kululeyso oo dharka la marmariyo, si jactadka looga bi'iyo. 2. ld kaawi¹.

kaawiyadayn [m.f.dh]
eeg kaawiyadee.

kaawiyadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Wax kaawiyad jactad kaga bi'in.

kaawiyadeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la kaawiyadeeyay ahaansho.

kaawiyadeysnaan [m.f.dh]
eeg kaawi-yadeysan. ld kaawiyadeysnaansho.

kaawiyadeysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld kaawi-yadeysnaan.

kaa [mu.ti.l] (kuwaas, w)
ld kaas(1)

kaa [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.

kaa [dk.lh.l] (-kaa)
ld kaaga(2).

kaa [dk.ti.l] (-kaa)
ld kaas(2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg