kabaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Summad geela lagu dhigto oo ah udub kor u jeeda oo meela kala duwan lagu dhigo; udub. 2. Kal xoog leh oo awrta marka la dhaaminayo la isticmaalo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kabaal

udub [m.l] (-dbo, m.l)
1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.

dibiyo [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
D. ah: rar aan kabaallo lahayn oo awr saaran.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg