kaban
(m.l) (-nno, m.dh)

(muus.) Alaabaha muusikada nooc ka mid ah. ld kaman.

kaban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay; -bmi)

Wax la kabey noqosho.

kaban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

Wax la kabay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaban

balwo [m.dh]
1. Heeso hore oo lagu tumi jirey kaban, daf iyo foori. ld balwad (2), belwo.

iilo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3]
(iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid.

kabmid [m.f.dh]
eeg kaban².

kabnaan [m.f.dh]
eeg kaban³. ld kabnaansho.

kaman [m.l]
ld kaban¹.

kab [m.l]
1. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.

kab [m.dh] (-bo, m.l)
Jaamo harag, caag iwm ah oo inta laysku toltolo, cagaha la gashado. ld kob (4).

kab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax kala jabay ama kala go'ay kab ku xirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg