kabar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Janfar, jeefaar; dhalfo. 2. Qalab qori ama bir ka sameysan lehna albaab iyo khaanado, dharka iwm lagu rito; armaajo.

kabar
(m.dh)

Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kabar ↴

qaandhaw [m.l]
1. ld qaandhebid, qandhow 1. Bixinta qaan laysku lahaa layska baxsho. 2. Kabarray.

barkadley [m.dh]
ld kabarray.

dhaab [m.dh] (-bab, m.l)
1. Qori, bir iwm oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iwm. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar.

jeefaar [m.dh]
Dhalfo; kabar; janfar; gonfar.

kabaraad [m.l]
Qab weyni dadka ku dhalata marka uu helo maal, wiilal, magac iwm.

kabaraad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Qab weyn muujin, qof yeeshay wiilal, maal, magac iwm.

kabaraadid [m.f.dh]
eeg kabaraad². ld kabaa-radis.

kabaraadis [m.dh]
ld kabaraadid.

kab [m.l]
1. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.

kab [m.dh] (-bo, m.l)
Jaamo harag, caag iwm ah oo inta laysku toltolo, cagaha la gashado. ld kob (4).

kab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax kala jabay ama kala go'ay kab ku xirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg